Wararka

Donald Yamamota ayaa kala hadlay Deni iyo Axmed Madoobe dhameystirka heshiiska…


Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Ambasador Donald Yamamota ayaa kulan uu la qaatay madaxweynayaasha maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, Siciid Deni iyo Axmed Madoobe kala hadlay dhameystirka heshiiska Dhuusamareeb 3.

Warbixin kooban oo lagu dabacay bogga twitterka ee safaaradda ayaa lagu sheegay in safiirku kala hadlay labada madaxweyne, dhameystirka heshiiska Dhuusomareeb3 oo ay labaduba kasoo horjeedeen.

Safiirka Maraykanka ayaa sheegay in ay Soomaaliya u baahan tahay is afgarad & tanaasul lana joogo xiligii ay madaxdu caqli muujin lahaayeen.

Safiirka ayaa sidoo kale sheegay inuu la kulmay madaxweynihi hore ee Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud, isagoo ku dhiirri galiyay in daneeyayaasha siyaasada Soomaaliya ay raadiyaan tanaasul si loo hirgaliyo qaab dhismeedka waqtiga loo dhan yahay ee dhameystirka heshiiska Dhuusamareeb3.

Beesha caalamka oo ay hormuud u tahay dowladda Maraykanka ayaa si toos ah ugu lug leh isku keenida madaxda federalka iyo madaxda dowlad goboleedka, arrintaas oo la filayo inay ka dhalatay kadib markii Puntland iyo Jubbaland ay beesha caalamka ka dalbadeen inay soo faro galiyaan arrimaha hadda taagan.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11403 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: