Wararka

Hooyo dishay shan caruur ah oo ay dhashay Jarmalka ayaa iyaduna isku dhigtay tareen xawaare…


Warar la xiriira dhacdadii foosha xumeyd ee maanta ka dacday dalkaasi Jarmalka oo hooyo ku dishay shan carruur ah oo ay dhashay ayaa waxaa ay sheegayaan in hooyadaasi oo guriga ka carartay dilka ka dib ay isku dhigtay tareen xawaare ku socda balse ay ka badbaaday.

Booliska dalka Jarmalka ayaa xaqiijiyay dhacdan oo ka dhacday magaalada Solingen ee gobolka Nordrhein-Westfalen halkaas oo guri ku yaal laga helay meydadka 5 carruur oo walaalo ah.

Guriga dhacdadani ka dhacday ayaa ku yaal xaafadda Hasselstraße ee magaalada Solingen, waxaana ay boolisku sheegeen in dhacdadaasi dilka ah lagu tuhunsan yahay hooyada carruurta dhashay oo iminka ku jirta isbitaal.

Carruurta la dilay ayaa kala jira 1, 2, 3, 6 iyo 8 sano, waxaana dhacdadaasu ka badbaaday cunug 11 jir ah.

Sawirro laga soo qaaday guriga uu dhibku ka dhacay oo ah dabaq ayaa muujinaya gawaarida gar-gaarka degg-degga ah iyo kuwa booliska oo hordhooban.

Hooyada ayaa la sheegay in dhacdadan kadib ay ka baxsatay guriga, waxaana laga soo helay iyada oo dhaawac ah meel 35 kilomitir u jirta guriga.

Wali lama shaacin dhalashada asal ahaan ee caruurtan.

Shabakada Wararka, hagaag.com Info@hagaag.com

About Admin (11856 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: