Wararka

Mareykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogay qaar ka mid ah madaxda maxkamada ICC…


Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday inay cunaqabateyn kusoo rogtay saraakiil sar sare oo ka tirsan maxkamadda dambiyada dagaalka caalamiga ah ee ICC, kuwaasoo ay ku jirto dacwad oogaha guud ee maxkamaddaas, Fatou Bensouda.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Mike Pompeo, ayaa maxkamadda ku eedeeyay “inay si sharci darro ah isugu dayeyso inay u maxkamadeyso muwaadiniin Mareykan ah”.

ICC oo uu fadhigeedu yahay magaalada Hague ee dalka Netherlands ayaa hadda baadhitaan ku wadda arrimo la xidhiidha in ciidamada Mareykanka ay dambiyo dagaal ka geysteen gudaha dalka Afghanistan.

Xukuumadda Washington ayaase maxkamaddan dhaliilaysay tan iyo markii la aasaasay, wuxuuna ka mid yahay dhowr iyo toban waddan oo aan saxiixin heshiiskii caalamiga ahaa ee lagu hirgaliyay maxkamaddan.

Qaramada Midoobay ayaa maxkamadda ICC abuurtay sanadkii 2002-dii, waxaana tan iyo markaas ay caddaaladda horgeysay dad badan oo mas’uul ka ahaa xasuuqyo, tacaddiyo ka dhan ah bani’aadannimada iyo dambiyo dagaal.

Waxay ICC-du faragalin sameysaa marka ay waddamadu awood u yeelan waayaan ama diidaan maxkamadeynta dadka lagu eedeynayo dambiyada dagaalka.

Heshiiska lagu hirgaliyay amxkamaddan waxaa hoosta ka xariiqay 123 waddan, oo ay ku jirto UK. Laakiin Mareykanka iyo dalal kale oo ay ka mid yihiin Shiinaha, Hindiya iyo Ruushka ayaa ku gacan seyray.

Waddamo ka tirsan qaaradda Afrika ayaa iyana maxkamaddan ku eedeeyay inay si gaar ah diiradda u saarto dadka reer Afrika oo kaliya.

Horaantii sanadkii lasoo dhaafay, ayuu Mareykanka dal ku galka kala noqday Fatou Bensouda.

Madaxweyne Donald Trump ayaa wareegto soo saaray bishii June, taasoo oggolaaneysa in Mareykanku uu xayiraad kusoo rogi karo hantida shaqaalaha maxkamadda ICC iyo in laga hor istaagi karo soo galitaankooda dalka Mareykanka.

Mr Pompeo, oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in Ms Bensouda iyo Phakiso Mochochoko, oo isagana madax ka ah waaxda amarrada dhinaca xukunka ee maxkamadda labadoodaba lagu cunaqabateeyay amarka kasoo baxay madaxweynaha.

Isagoo maxkamadda ku tilmaamay “mid burburtay oo uu musuqmaasuq hareeyay”, wuxuu Pompeo ka digay in shakhsiyaadka kale ee “taageerada u muujiya ay iyaguna wajihi doonaan cunaqabateyno”.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11427 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: