Wararka

Maxkamad ku taal Puntland ayaa sii deysay 6 nin oo ku eedeysnaa dil iyo kufsi garowe loogu…


Maxkamad kutaala Puntland ayaa sii daysay 6 nin oo qeyb ka ahaa 7 eedeesane oo muddo sanad ka badan u xirnaa dil iyo kufsi Garowe loogu geystay haweenay.

Ragga lasii daayay ayay maxkamadu ku weyday wax dambi ah, hase yeeshee qofka todobaad oo horey u bixiyay wareysiyo uu ku qiranayo inuu falkaas ku lug lahaa ayaa maxkamadu amartay in baaritaan lagu sameeyo.

Qoyska dhibbanaha ayaa kasoo horjeestay go’aanka maxkamada, iyagoo sheegay in garsoorka iyo laamaha amnigu dayaceen kiiskaan islamarkaana si fudud lagusii daayay eedeesanayaasha.

Qoyska waxay racfaan ka qaateen go’aanka maxkamada, waxayna sheegeen inay dadaal dheer u gali doonaan sidii ay cadaalad ku heli lahayd marxuumada.

Puntland ayaa horey ugu guulaysatay inay cadaalada horkeento laguna fuliyo raggii ka dambeeyay kufsigii iyo dilkii loo geystay Caaisha Ilyaas.

Balse, kiiskaan dambe ayaa u muuqda mid laamaha amnigu weli ku guulaysan waayeen inay helaan caddeymo rasmi ah.

Nin kamid ah ragga kiiska loo hayo oo markii hore qirtay inuu kiiska ku lug lahaa, ayaa markii dambe iska fogeeyay isagoo sheegay in la qasbay.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11750 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: