Wararka

Shirkadda Twitter-ka ayaa xaqiijisay in la jabsaday Bogga Twitter-ka ee RW India Modi…


Bogga Internet-ka ee Twitter ee Ra’iisul wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa la jabsaday, sida ay xaqiijisay shirkadda.

Qoraallo is xig xigay oo lagu soo qoray boggiisa ayaa dadka ku xiran halkaas looga codsanayay inay ka qeyb qaataan barnaamij gargaar ah.

Shirkaddu waxay sheegtay inay ka war heshay dhaqdhaqaaqa ka socday halkaas isla markaana ay qaaday tallaabooyin lagu dhowrayo amniga barta Ra’iisul wasaraaha ee Twitter-ka.

Waxay arrintani kamid tahay dhacdooyinkii ugu dambeyay ee ku saabsan dhaca xogaha shakhsiyaadka caanka ah, bishii July ayay aheyd markii la jabsaday bogga Twitter uu ku leeyahay musharraxa xisbiga dimuqraadiga ee Mareykanka Joe Biden.

“Waxaan si xoogan u baareynaa xaaladda, haatan, kama war heyno bogag kale oo sameyn ku yeelatay falalkaas,” waxaa sidaas yiri afhayeen u hadlay shirkadda Twitter oo la hadlayay BBC-da.

Bogga la jabsaday waa barta rasmiga ah ee Ra’iisul wasaaraha Hinidiya Modi.

Shirkaddu waxay meesha ka saartay qoraallada marin habaabinta ah ee looga codsanayay dadka ku xiran bogga Narendra Modi inay ka qeyb qaataan barnaamij gargaar qaran ah iyago adeegsanayo barnaamijka la yiraahdo Bitcoin ee lacagaha lagu shubto.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11412 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: