Wararka

Boolis ku lug lahaa falkii lagu dilay nin madow oo qaawan ayaa laga eriyey shaqada…


Duqa magaalada Rochester Lovely Warren ayaa shaaca ka qaaday in ay shaqada ka eriday dhammaan booliskii ku lugta lahaa falka dilka ah ee loo geystay Daniel Prude oo ahaa nin madow ah kaas oo isagoo qaawan ay boolisku u yimaadeen si ay u xiraan.

Ms. Warren ayaa sidoo kale ka dalbatay taliyaha ciidamada booliska magaalada in uu usoo gudbiyo dhammaan muuqaallada dhacdooyinka dadka ku dhintay gacanta booliska iyagoo xiran.

Dilka Daniel ayaa dhacay labo bilood ka hor dilka George Floyd ee sababay dibedbaxyada baahsan ee Mareykanka kuwaas oo looga soo horjeedo tacadiga booliska.

Qaraabada Daniel oo dhawaan shir jaraa`id qabtay ayaa sii daayay muuqaalkan cusub ee wiilkooda kaas oo dhaliyay dibedbaxyo horleh oo ka dhacay magaalada Rochester, New York.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11823 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: