Wararka

Daawo:Haweenay Ruush ah oo cunaheeda laga soo saaray mas dhererkiisu yahay 4ft kadib…


Muuqaal fiidiyow ah oo lagu faafiyey baraha bulshada oo looga soo saaray mas dhererkiisu yahay 4ft cunaha haweenay Ruush ah ayaa ku abuuray shaqaalihii caafimaadka ee la tacaalayey qofkaasi argagax xoog badan.

Maska ayaa galay afka haweeneyda iyadoo huruda banaanka guriga ee tuulada Levashi ee Jamhuuriyada Dagestan ee Ruushka.

Ka dib markii ay soo toostay haweeneyda ayaa dareentay xanuun iyo raaxo la’aan dhinaca caloosha ah, taas oo ku qasabtay inay gasho isbitaalka, howlwadeenada caafimaadkuna waxay bilaabeen inay si deg deg ah wax uga qabtaan kiiskeeda.

Sida laga soo xigtay saxaafadda, kiisaska noocan oo kale ah ayaa si isdaba joog ah uga dhaca aaggaasi, sidaas darteed dadka deegaanka waxaa lagula talinayaa inay ka fogaadaan inay seexdaan guryaha banaankooda, sababo la xiriira halista masaska oo afkooda galaya.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11790 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: