Wararka

Lionel Messi ayaa shaaca ka qaaday inuusan ka tegi doonin Barcelona sidaasina ku xirmay…


Xiddiga reer Argentina iyo Barcelona Lionel Messi ayaa shaaca ka qaaday sababihii ku kallifay inuu dalbado inuu ka tago Barcelona, wuxuuna sharaxay sirta dhibaatooyin kala haystay isaga iyo madaxweynaha kooxda Josep Maria Bartomeu, wuxuuna carabka ku adkeeyay inuusan ka tagi doonin kooxda uu ku soo koray isla markaana uu xiray faylkii uu ku dalbanayay inuu ka tago.

Messi ayaa sharaxaad ka bixiyay wareysi uu siiyay shabakada Goal, sababta dhabta ah ee uu uga laabtay go’aankii bixida saacadihii ugu dambeeyay, isagoo yiri “Barcelona wax walba ayey isiisay, anigana waxan u hibeeyey wax walba oo aan karo darteeda, runtiina kuma soo dhicin maskaxdeyda xataa ku fekerka inaan hor istaajiyo kooxda maxkamadaha.”

Messi ayaa shaaca ka qaaday mid ka mid ah sababaha uu uga laabtay go’aanka uu uga tegi lahaa kooxda, taas oo ku sheegay ilmada qoyskiisa markii uu u sheegay inuu ka tagayo Barcelona, ​​wuxuuna yiri, “Waxay ahayd wax ay la fajaceen markii aan u sheegay xaaskeyga iyo caruurteyda arintaas, qof walba ayaa ooyay caruurtaydiina wey diideen inay ka tagaan Barcelona iyo iskuuladooda”.

Wuxuu xaqiijiyay inuu u sheegay kooxda iyo Bartomeu inuu doonayo inuu baxo, kaliya ma ahayn guuldaradii Bayern, laakiin waqti dheer ilaa sanadkii la soo dhaafay oo dhan, wuxuuna sheegay in madaxweynaha kooxda uu u sheegay “inuu go’aanka ugu dambeeya qaadanayo dhamaadka xilli ciyaareedka, mana uusan ilaalinin hadalkiisa.”

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11401 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: