Wararka

Mid ka mid ah gurigii ugu weynaa ee dhilleysiga ee Yurub ayaa shaaciyey inuu falisay…


Mid ka mid ah gurigii ugu weynaa ee haweenka jirkooda ka ganacsada ee Yurub ayaa ku dhawaaqay inuu falisay, kadib markii ay waxyeello u geysatay tallaabooyinkii lagula dagaalamayey ka hortaga cudurka coronavirus oo ay soo rogtay dowlada Jarmalka.

Armen Lubeschied oo ah maareeyaha guriga Pascha ee dhillooyinka oo ka kooban 10 dabaq, wuxuuna ka mid yahay meelaha ugu caansan magaalda Cologne, wuxuu u sheegay jariidada maxalliga ah ee express “Waxaan soo gaarnay dhamaadka,”.

Shaqada Dhillaysiga ayaa laga mamnuucay North Rhine-Westphalia tan iyo markii uu faafay virus-ka.

Caadi ahaan waxaa ka shaqeeya guriga Pascha 120 shaqaale galmo, waxaa kaloo u dheer 60 shaqaale oo ay ku jiraan cunto kariyayaal iyo kuwo ka shaqeeya qurxinta haweenka.

Lubeschied ayaa dhaleeceyay sida maamulka Jarmalka ula tacaaleen dhibaatada cudurka faafa, gaar ahaan awood la’aanta inay cadeeyaan goorta ganacsigu dib u soo laaban doono.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11427 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: