Wararka

Afar nin oo al-Shabaab ku eedeysay basaasnimo ayaa lagu toogtay degmada Saakow ee gobolka…


Ururka Al Shabaab ayaa fagaare ku yaala Degmada Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe waxaa ay gelinkii dambe ee Jimcihii ku toogteen afar nin oo basaasnimo ay ku eedeeyeen.

Raggan ayay Shabaabku ku eedeeyeen inay la shaqeynayeen Sirdoonada Dowladaha Somalia, Kenya, Mareykanka iyo Qaramada Midoobay.

Qaadiga Maxkamadda Al Shabaab ee Gobolada Jubbooyinka ayaa sheegay in raggaasi ay maxkamadda ka hor qirteen eedeymihii lagu soo oogay.

Xubnaha la toogtay ayaa lagu kala magacaabi jiray Cabdi Sahal Dhabbar (Cabdi Xarqi) oo 57 jir ahaa, Maxamed Aadan Xasan (Maxamed Khayr) oo 51 jir ahaa, Cali Cabdiraxmaan Cabdi oo 33 jir ahaa iyo Cismaan Faarax Dhaqane oo 27 jir ahaa.

Al Shabaab ayaa deegaanada ay ka arrimiso waxay ka fulisaa xukuno kala duwan oo maxkamadaheeda ay ridaan, waxayna xukunadaasi fuliyaan, iyagoo oranaaya (Isagaa qirtay/iyadaa qiratay/Iyagaa qirtay), mana soo bandhigaan cadeymo intaasi dhaafsiisan.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12183 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: