Wararka

C/xakiim Dhoobo Daareed ayaa ku eedeeyey Deni inuu fuliyo danaha Imaaraatku ka leeyihiin Somalia…


Guddoomiyihii hore ee barlamaanka dowlad goboleedka Puntland, Cabdixakiim Dhoobo Daareed, ayaa ku eedeeyay madaxweyne Deni inuu fuliyo danaha Imaaraatku ka leeyihiin Soomaaliya.

“Madaxweyne Deni uma joogo Muqdsiho dano umadda Somaliyeed ama reer Puntland, ee wuxuu halkaas u joogaa sidii u carqaladayn lahaa heshiiska la gaaray iyo inuu ilaaliyo danaha Imaaraatka,” ayuu yiri Dhoobo oo wareysi siiyay Somali Cable.

Guddoomiyihii hore ee barlamaanka Puntland ayaa marar badan saxaafadda eedayn u marsiiyay madaxweyne Deni lagasoo billaabo markii xilka looga tuuray mooshin ay xildhibaanada Puntland ka keeneen 7dii November 2019.

Dhoobo Daareed ayaa saxaafadda horey uga sheegay in Deni uu dhaqaale ku siiyay xildhibaanada in sifo sharci darro ah lagu rido, sidoo kalena uu mas’uul ka ahaa iska hor imaadkii ka dhacay xarunta barlamaanka saacaddo kahor inta aan la ridin.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11379 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: