Wararka

Orodyahan Mo Farah ayaa dhigay rikoor cusub, tartan orod oo lagu qabtay Brussels Belgium…


Orodyahanka Soomaaliga ee u orda dalka Ingriiska Mo Farah ayaa shalay oo Jimco ah dhigay rikoor cusub kadib markii uu ka qeyb-galay tartan orod oo lagu qabtay caasimadda dalka Belgium ee Brussels.

Mo Farah oo 37 jir ah ayaa saacad gudaheed ku cararay 21.330 oo mitir, waxaana ay arintaasi u saamaxday in uu dhigo rikoor cusub oo halka saac ah, isagoo garaacay record-kii uu dhigay Haile Gebrselassie oo ahaa 21.289m sanadkii 2007dii.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan maanta dhigay rikoor cusub,” ayuu warbaahinta ku yiri Mo Farah kadib tartanka.

Farah ayaa orodkaas oo dhan waxaa uu la ordayay Soomaali kale oo lagu magacaabo Bashir Abdi kaas oo u ordayay dalka Belgium-ka.

Sidoo kale waxaa dhinaca gabdhaha record cusub dhigtay isla orodkan Sifan Hassan oo u oroda dalka Netherlands oo ku dhameysay 18.930m.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11787 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: