Wararka

Trump oo ku riixay dowlada Kosovo oo Muslimiintu u badan yihiin inay is ictiraafaan Israel…


Madaxweyne Donald Trump ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in Serbia iyo Kosovo ay caadiyeeyeen xiriirkooda dhaqaale, taasi oo qeyb ka ah wadahadallo uu Mareykanku garwadeen ka yahay oo ay ka mid tahay in Belgrade ay safaaraddeeda Israel u wareejiso magaalada Jerusalem, iyo in Israel iyo Kosovo ay is-ictiraafaan.

Ka dib kulamo laba maalmood qaatay oo ay la yeesheen saraakiisha maamulka Trump, Madaxweynaha Serbia Aleksandar Vucic iyo Ra’isul wasaaraha Kosovo Avdullah Hoti ayaa ku heshiiyay in ay iska kaashadaan dhinacyada kala duwan ee dhaqaalaha si loo soo jiito maalgashi loona abuuro shaqooyin.

Ku dhawaaqista ayaa Trump siinaysa guul dublomaasiyadeed ka hor doorashada madaxtinimada ee dhacaysa 3-da bishii November, iyadoo sii kordhinaysa dadaalka maamulkiisa ee lagu hagaajinayo maqaamka Israel ee dunida.

“Waan ku faraxsanahay in aan ku dhawaaqo ballanqaad dhab ah oo taariikhi ah,” ayuu Trump ka sheegay Xafiiska Oval, isagoo ay garab taagnaayeen labada hoggaamiye oo kala saxiixday heshiiska iskaashiga dhaqaale.

Trump ayaa sheegay in Serbia ay ka go’an tahay in ay bishan xafiis ganacsi ka furato magaalada Jerusalem, safaaraddeedana ay halkaasi u wareejiso bisha July.

Go’aanka Serbia ee ah in ay safaaraddeeda Tel Aviv u wareejiso Jerusalem ayaa ah mid aysan fileyn Israel iyo Mareykankaba.

Kosovo oo ah dal ay ku badan yihiin Muslimiinta ayaan waligeed aqoonsan Israel sidoo kale Israel ma aqoonsan Kosovo.

Ra’isulwasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa uga mahadceliyey madaxweynaha Serbia in uu safaaradda dalkaasi u rarayo magaalada Jerusalem.

Wuxuu xaqiijiyay in Israel iyo Kosovo ay dhisi doonaan xiriir dublomaasiyadeed, isaga oo xusay in Kosovo ay sidoo kale safaaraddeeda ka furan doonto Jerusalem.

“Kosovo waxa ay noqoneysaa dalkii ugu horreeyey ee Muslimiintu u badan yihiin ee safaaraddiisa ka furta Jerusalem,” ayuu yiri Netanyahu. “Sidii aan dhowaan sheegay, goobaabinta nabadda iyo aqoonsiga Israel waa ay sii ballaaranayaan, waxaana la filayaa in ay wadamo dheeri ah ku soo biiraan,” Ayuu yiri.

Si kastaba ha ahaatee, wadar ahaan ilaa afar dal ayaa ilaa haatan u aqoonsaday magaalada lagu muransan yahay ee Jerusalem in ay tahay caasimadda Israel, waxaana dalalkaasi ka mid ah Mareykanka iyo Guatemala. Falastiiniyiinta ayaa sheegay in bariga Jerusalem oo ay Israel ku qabsatay dagaalkii 1967-kii ay u tahay caasimadooda.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11767 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: