Wararka

Booliska Birmingham ayaa wada howlgal, kadib markii dad lagu mindiyeeyey bartamaha…


Booliska magaalada Birmingham ayaa saakay oo Axad ah ka wada magaaladaas howlgal, kadib markii bartamaha magaaladaasi xalay ilaa saakay dhowr qof lagu geliyay mindi.

Xalay saqdii dhexe, abaarihii 00:30 ayey boolisku heleen farriintii ugu horreysay ee mindi-gelinta, waxaana xigay dhowr farriimood oo is-xigxigay oo dhacdo noocaas ah la xiriirtay.

Waxa ay sheegeen boolisku in uu jiro dhaawacyo badan oo dhacdadaasi la xiriirta, mana la oga ilaa iyo iminka cidda geysaneysa iyo sababta.

Qeybo ka mid ah magaaladaasi ayey u xiran tahay booliska, waxaana ka socda howlgal ballaaran oo lagu baarayo dhacdadan.

Booliska ayaa ugu baaqaya bulshada in ay is dajiyaan islamarkaana ay ka fogaadaan aaga la tuhunsan yahay ee howlgalku ka socdo.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11889 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: