Wararka

M/weynihii hore ee Mali Ibrahim Boubacar Keita ayaa wadanka ka baxay sababo caafimaad awgii…


Madaxweynhii hore ee Mali Ibrahim Boubacar Keita oo la afgambiyay bishii August ayaa waddanka ka tagay.

Saraakiisha milatariga ayaa sheegay in Keita uu sababo caafimaad ugu duulay Isutagga Imaaraadka Carabta kadib markii toddobaadkan gudihii dareemay xanuunka istaroogga.

Keita oo 75 sanno jir ah ayaa Talaadadii la dhigay isbitaal ku yaalla magaalada Bamako, lix maalmood kadib markii ay xoriyaddiisa dib u siiyeen hogaamiyaasha miltariga ee xilka kala wareegay 18-kii August.

Madixiisii hore ee shaqaalaha ayaa sheegay in Ibrahim Boubacar uu dalka ka maqnaan karo muddo ku siman 15 maalmood.

Mar sii horreysay hogaamiyaasha miltariga ee la wareegay talada dalkaasi Mali ayaa magaalada Bamako ka bilaabay wadahadallo u dhaxeeya iyaga, mucaaradka iyo urururada bulshada. Waxaana wadahadaladaasi diiradda lagu saaray sidii loo soo dhisi lahaa dowlad rayid ah.

Hogaamiyaasha Galbeedka Afrika ayaa doonayaa in dalka Mali si dhakhsiya looga hirgaliyo dowlad rayid ah kadib afgambigii madaxweyne Keita. Hogaamiyaasha Afgambiga ayaa sheegay iney muddo laba sanno gudohood ah ay xilka ku baneyn doonaan.

Keita ayaa ku guuleystay doorashadii Mali ka dhacday sanadkii 2018-kii, laakiin waxaa tan iyo markaas taagneyd caro ku saabsan musuqmaasuqa ka jira waddanka, maamul xumo dhinaca dhaqaalaha ah iyo xaaladda amni ee kasii dareysa.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12158 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: