Wararka

Natiijada Imtixaankii Shahaahiga ee Fasalka 12aad ee Dugsiga sare ayaa si rasmi ah loo shaaciyey…


Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Somalia ayaa maanta si rasmi ah u shaacisay natiijada Imtixaanka shahaadiga ee laga qaaday ardayda dugsiyada sare asalka 12aad sanad dugsiyeedka 2019/2020-ka.

Tirada guud ee ardada Imtixaanka u fadhiisatay ayaa aheyd 33,727, oo lagu galay 114-xarun ayaa waxaa gudbay 25,177 arday, waxaana haray 8,550-arday.

Tobanka arday ee ugu sareeya natiijada ayaa shan ka mid ah waxa ay yihiin gabdho iyadoo gabadha ugu sareysayna ay gashay kaalinta 3aad ee imtixaanka dugsiga sare.

10-ka arday ee ugu dhibcaha sarreysa ayaa kala ah:

1-Sayid-cumar C/raxmaan Colaad Cali oo ka baxay dugsiga jaabir binu Xayaan kuna baasay 92.43%.
2- Cabdullaahi Ciise Siyaad oo ka baxay dugsiga Axmed Gureey, kuna baasay 92%.
3-Sahra Cabdullaahi Abuukar oo ka baxday dugsiga Mucasar science kuna baastay 91.93%.
4- Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar oo ka baxday dugsiga Mujamac Yaaqshiid kuna baasay 91.86%.
5-Cabdinuur Xuseen Maxamed oo ka baxay dugsiga Maxamuud Xarbi kuna baasay 91.836%.
6-Fardoawsa Maxamed Maxamuud oo ka baxday dugsiga waaberi Gaalkacyo kuna baastay 90.43%.
7-Fawdsa Daahir Cali oo ka baxday dugsiga Al-anwaar sare kuna baastay 90.43%.
8-Cabdifitaax Cabduqaadir Axmed oo ka baxay dugsiga Ablaal Guriceel kuna baasay 90.29%.
9-Safiyo Maxamed Nuur Maxamed oo ka baxday dugsiga Baidoa kuna baastay 90.14%.
10-Faadumo Axmed Cali oo ka baxday Imaamu shaafici kuna baastay 90.14%.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12181 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: