Wararka

Nin Soomaali ah oo la sheegay inuu dil ka geystay gobolka Minnesota oo la soo qabtay…


Maraykanka ayaa gacanta ku dhigay Nin Soomaali ah oo la sheegay inuu dil ka geystay gobolka Minnesota.

Saraakiisha Canshuuraha iyo Xuduudaha Mareykanka ee garoonka diyaaradaha ee Dulles ayaa qabtay ninkaan isagoo isku dayayay inuu raaco diyaarad u socotay Turkiga isagoo kusii jeeday Soomaaliya.

Saciid Sharif Maye ayaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta shil baabuur oo dhacay 24-kii Ogosto, shilkaas oo uu ku geeriyooday Idris Ali Yussuf, oo 31 jir ahaa.

Sida laga soo xigtay waaxda Kastamka Mareykanka iyo Ilaalinta Xuduudaha, Maye waxaa xabsiga loo taxaabay 28-kii Ogosto isagoo isku dayayay inuu u raaco diyaarad u socota Turkiga si uu uga sii gudbo Soomaaliya.

Casey Durst, Agaasimaha Waaxda Howlgallada ee Baltimore, ayaa sheegay Xarigani inuu muujinayo sida howlgalka amniga xuduudaha ee Kastamka iyo Ilaalinta Xuduudaha ay u taageeraan la-hawlgalayaashooda sharci fulinta iyadoo la qabanayo dadka baxsadka ah ee la sheegay in ay ka cararayaan dacwad oogista.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12181 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: