Wararka

Trump ayaa diiday inuu cambaareeyo dalka Ruushka kadib falkii lagu sumeeyey Alexei Navalny…

FILE - In this Saturday, July 20, 2019 file photo Russian opposition activist Alexei Navalny gestures while speaking to a crowd during a political protest in Moscow, Russia. Russian opposition leader Alexei Navalny was the victim of an attack and poisoned with the Soviet-era nerve agent Novichok, the German government said Wednesday, Sept. 2, 2020 citing new test results. Navalny, a politician and corruption investigator who is one of Russian President Vladimir Putin's fiercest critics, fell ill on a flight back to Moscow from Siberia on Aug 20 and was taken to a hospital in the Siberian city of Omsk after the plane made an emergency landing. (AP Photo/Pavel Golovkin, File)

Madaxwaynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa diiday in uu cambaareeyo dalka Ruushka ka dib markii lagu eedeeyay sumeynta hogaamiyihii mucaaradka dalkaasi Alexei Navalny,.

Trump aya sheegay in uusan hayn caddeyn ku saabsan sumaynta hogaamiyaha mucaaradka Ruushka Alexei Navalny .

Waxa uu intaa ku daray in arrintan ay tahayt “mid musiibo ah “.

Madaxwaynaha dalka Mareykanka Donold Trump ayaa wariyayaasha ugu baaqay in Ruushka badalkii ay diiradda saaraan Shiinaha oo uu sheegay inay ka halis badan yihiin Ruushka.

Gaashaanbuurta Nato iyo Jarmalka ayaa waxay sheegeen in ay jiraan”caddeymo aan shaki ku jirin” oo ku saabsan in Mr Navalny lagu weeraray suntan waxyeelaysa neerfoonyiinka ee loo yaqaano Novichok.

Hogaamiyayasha kale ee la shaqeeynayay Mr Navalny ayaa waxay dhankooda sheegeen in sumayntiisa ay tahay amar ka soo baxay aqalka Kremlin-ka.

Trump oo shir jaraa’id ka hadlayay Jimcihii ayaa waxa uu sheegay in ilaa iyo imika uusan hayn cadeymo ku saabsan in la sumeeyay hogaamiyahaasi.

“Ma aqaan xaqiiqadii wixii dhacay, waxaan u malaynayaa inay musiibo tahay ayna ahayd in aysan dhicin,” ayu yiri madaxwayne Trump.

“Ma hayno wali wax cadeyn ah, balse waan eegi doonaa,” ayuu intaa ku daray.

Madaxwayne Trump ayaan cambaareynin Mr Putin balse sheegay in xukuumadda Beijing ay ka halis badan tahay.

“Waa mid xiiso leh in qof walba uu xusayo Ruushka, waxbana kama qabo in Ruushka la xuso, balse Shiinaha ayaan aaminsanahay in aad wax badan ka hadashaan,” ayuu yiri Mr Trump.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12158 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: