Wararka

Dowlada Ingriiska ayaa ugu deeqday gaadiid ciidan Ciidanka Xoogga Dalka ee Somalia…


Dowladda Ingriiska ayaa gaadiid ciidan ugu deeqday Dowladda Somalia, waxaana si gaar ahi loogu wareejiyay Taliska Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Sii Hayaha Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ee Qaybta 60aad ayaa gaadiidkaasi kala wareegay Saraakiil ka socotay Ingiriiska.

Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe), Sii Hayaha Wasiirka Gaashaandhigga Somalia ayaa sheegay inay tani qayb ka tahay dib u dhiska Ciidanka Xoogga Dalka.

Wasiir Amar-dambe ayaa sheegay in gaadiidkan ay isticmaali doonaan Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan Qaybta 60aad ee ka hawlgala deegaanada Koonfur Galbeed.

“Waxaan u mahadcelinayaa Dowladda UK oo nagu wareejisay gaadiid nooca dagaalka ah, ayna ka soo jawaabtay codsigeena, oo ah in ay nagala qaybqaataan dib u dhiska Ciidamadeena Qalabka Sida.” Ayuu yiri Amar-dambe.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11401 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: