Wararka

Nin Faransiis ah oo raba inuu isdilo ayaa Facebook ka mamnuucday inuu tebin toos ah isku dilo…


Shirkadda Facebook ayaa ku dhawaaqday inay xayirayso adeegga tooska loogu tabinayo qof Faransiis ah oo la il-daran cudur aan dawo lahayn oo go’aansaday inuu saacadihiisii ​​ugu dambeeya ka sii daayo barnaamij si toos ah looga daawada warbaahinta bulshada.

Alain Cocq, oo 57 jir ah, wuxuu la xanuunsan yahay cudur aad dhif u ah oo sababa darbiyada marinnada xididdada dhiigga inay isku dhegaan, taasoo keenta hakad ama xaddidaadda socodka dhiigga ee unugyada ama xubnaha.

Cocq ayaa goor sii horreysay ku dhawaaqay inuu joojin doono cunista cuntada, cabista dareeraha iyo dawooyinka, ka dib markii madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu diiday inuu siiyo ogolaansho ah inuu helo dhimashada naxariista.

Cocq wuxuu filayaa inuu noolaado wax ka yar hal usbuuc, taasoo uu rabo inuu saacadaha ugu dambeeya si toos ah ugu gudbin doono boggiisa Facebook, laga bilaabo subaxa Sabtida.

Facebook ayaa maanta shaacisay in nidaamyadeeda aysan ogoleyn in lagu baahiyo sawirada iyo muuqaalada dadka isdilaya, afhayeen u hadlay Facebook ayaa u sheegay wakaalada wararka Faransiiska, “In kasta oo aan ixtiraameyno go’aanka (Cocq) ee ujeedkiisu yahay inaan fiiro gaar ah u yeelano dhibaatadiisa qalafsan, waxaan qaadanay talooyinka khubarada, ee looga hortagayo baahinta tooska ah ee xisaabta Alain, nidaamyadeenu nooma ogola inaan soo bandhigno isku dayga isdilka.

Sabtidii, Cocq wuxuu isku dayay inuu soo dhigo fiidiyoow kale oo uu kaga cabanayo in shabakaddu ka mamnuucday baahinta tooska ah ee fiidiyowga boggiisa illaa iyo September 8da.

“Idinka ayay idinku xiran tahay,” ayuu qoray, isagoo la hadlaya taageerayaashiisa, isagoo ugu yeeray taageerayaashiisa inay u diraan farriimo shirkadda iyagoo ka cabanaya “qaababka ay uga hortageyso xorriyadda hadalka.”

Cocq wuxuu warqad u qoray qasriga Elysee Palace isagoo ka codsanaya Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron inuu u ogolaado dhakhtar inuu u qoro nooc ka mid ah barbiturate (daawooyinka hakiya ama fariisiya nidaamka neerfaha), si uu “nabad ugu baxo”.

Macron wuxuu ku jawaabey warqad uu u diray Cocq, taas oo wakaaladda wararka France-Presse ay heshay nuqul ka mid ah, kuna caddeynayo, “Maadaama aanan ka sarreyn sharciga, ma fulin karo dalabkaaga. Ma weydiisan karo cidna inay dhaafto qaab-dhismeedkeena sharciga ee aan hadda ku dhaqanno.”

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11796 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: