Wararka

Raggii ka dambeeyey dilkii Jamaal Khashoggi ayaa loogu bedelay xabsi xukunkii dilka ahaa ee ay…


Maxkamadda Dembiyada ee ku taal caasimadda Sucuudiga, Riyadh, ayaa maanta oo Isniin ah soo saartay xukunnadii ugu dambeeyay ee kiiska dilkii weriyihii Sucuudiga u dhashay ee Jamal Khashoggi oo lagu dhex dilay qunsuliyadda waddankiisa ee Istanbul bishii Octobar 2018, waxayna ku xukuntay xukunno u dhexeeya 7 illaa 20 sano, iyadoo ka noqotay xukunno hore oo 5 ka mid ah lagu xukumay dil. .

Afhayeenka xafiiska xeer ilaalinta guud ayaa sheegay in maxkamadu ku xukuntay 5 kamid ah 20 sano oo xarig ah, 3 kale min 10 sano oo xarig ah iyo 2 ka mid ah lagu riday xukun ah min 7 sano oo xarig ah.

Afhayeenku wuxuu intaas ku daray – sida ay soo werisay wakaaladda wararka ee Saudi Arabia – in xukunnada ay soo saareen ay yimaadeen ka dib markii ay xaqii khaaska ahaa ay ka laabtaan ehelka marxuumka ee dhiigga lahaa.

Caruurtii Khashoggi ayaa ku dhawaaqay inay iska cafiyeen kuwii dilay waalidkood bishii May ee la soo dhaafay, tallaabadaas oo u oggolaatay eedeysanayaasha inay ka baxsadaan ciqaabtii dilka ee lagu xukumay.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11749 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: