Wararka

Taliska AFRICOM ayaa qirtay in hal askari kaga dhaawacmay weerar ismiidaamin ahaa…


Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM) ayaa qirtay in hal askari kaga dhaawacmay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay deegaanka Jannaay Cabdalle ee Gobolka Jubbada Hoose.

Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa maanta lagu weeraray ciidamada huwanta, ee maalin ka hor Al Shabaab kala wareegay deegaanka Jannaay Cabdalla.

Korneyl Chris Karns, Afhayeenka Taliska AFRICOM ayaa sheegay in hal askari kaga dhaawacmay weerar loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo ka dhacay duleedka Jannaay Cabdalle, intii uu socday buu yiri la-talinta iyo caawinta hawlgalka AMISOM.

Afhayeenka ayaa VOA u sheegay in la dilay mid ka mid ah dagaal-yahanada Al Shabaab, isla-markaana ay degan tahay xaaladda askariga dalka Mareykanka u dhashay, ee weerarka lagu dhaawacay.

Ururka Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda weerarkaasi ayaa sheegay inay ku dileen 20 askari, kuwaa oo afar ka mida ay sheegeen inay u dhasheen dalka Mareykanka.

Jannaay Cabdalle waxay ku taallaa meel ku dhow barta kala qaybisa Degmooyinka Kismaayo iyo Afmadow, waxayna Shabaabku ku canshuuri jireen gaadiidka.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11756 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: