Wararka

Kooxda qaranka Talyaaniga ayaa guul muhim ah ka gaartay Holland wareega labaad ee kulamada…


Kooxda kubada cagta ee qaranka Talyaaniga ayaa guul qaali ah ka heshay kooxda ay martida u aheyd ee Holland wareega labaad ee kulamada heerka Group A ee koobka qaramada Yurub.

Ciyaar kale oo ka tirsan wareegga labaad ee isla group-kan, Poland ayaa 2-1 uga badisay xulka martida loo ahaa ee Bosnia iyo Herzegovina.

Talyaaniga ayaa wuxuu ku hogaaminayaa kala sareynta group-yada 4 dhibcood, halka Poland ay ku jirto kaalinta labaad oo leh 3 dhibcood, inkastoo sidoo kale Netherlands ay leeyihiin 3 dhibcood hadana waxaa looga horeeyaa farqiga goolasha, waxayna ku jirtaa kaalinta seddaxaad, halka xulka Bosnia ay ku dhameysteen kaalinta afaraad iyagoo leh hal dhibic.

Xulka qaranka Talyaaniga ayaa guushan ku helay laacibkooda Niccolo Barrilla, oo dhaliyay goolka muhiimka ah ilbiriqsiyadii ugu dambeeyay ee qeybtii hore. Waxay ku dhamaatay 1-0.

Ciyaartii kale, Poland ayaa kaga guuleysatay Bosnia 2-1.

Dhinaca kale Norway ayaa 5-1 uga badisay Waqooyiga Ireland, halka Romania ay 3-2 uga badisay Austria.

Kooxda Scottish-ka ayaa 2-1 uga badisay Czech Republic.

Qeybta afaraad ee tartanka heerka seddexaad, xulka qaranka Lithuania ayaa kaga adkaaday Albania gool nadiif ah. Halka xulka qaranka Belarusia uu 2-1 kaga adkaaday kooxda martida loo ahaa ee Kazakhstan.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11777 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: