Wararka

M/weynaha Somalia ayaa shir isugu yeeray madaxda dowlad goboleedyada xubnaha ka ah…


Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir isugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada.

Madaxweynaha Somalia ayaa Madaxda Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug ugu yeeray inay ka soo qaybgalaan shir ka furmaya Magaalada Muqdisho, Khamiista soo socota.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Somalia, Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa qoraal kooban ku sheegay waxa looga hadlayo shirkan.

“Waxaa Villa Somalia ka furmaya Khamiis, 10-ka September shir ay u dhanyihiin Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, kaasoo lagu dhammeystirayo hannaanka doorashooyinka dalka, iyadoo uu saldhig u yahay heshiiskii Samareeb 3.” Ayuu yiri Agaasimaha.

Madaxda Jubbaland iyo Puntland ayaa iyagu horey ugu sugnaa Magaalada Muqdisho, waxaana warkan ka soo baxay Villa Somalia uu ku soo aadayaa, xilli Madaxda Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle uu Arbacada shir uga furmayo Magaalad Baydhabo.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11379 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: