Wararka

Waare iyo wafdigiisa ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Baydhabo ee xarunta ku…


Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamee Cabdi Waare ayaa gaaray magaalada Baydhabo, halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Lafta Gareen ayaa Madaxweynaha Hirshabelle iyo wafdigiisa ku soo dhoweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Shaati gaduud.

Wafdiga Madaxweynaha Hirshabelle ayaa loo galbiyay Xarunta Madaxtooyada Baydhabo, waxaana ay leeyihiin shir gaar ah.

Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug ayaa shir ku leh Baydhabo, iyagoo uga hadlaya xaalada siyaasadeed ee dalka iyo sidii heshiiskii Dhuusamareeb loo adkeyn lahaa.

Ujeedka seddaxdan dowlad goboleed ayaa ah sidii ay uga soo horjeesan lahaayeen in wax laga bedelo heshiiska Shirkii Dhuusamareeb 3, isla markaana aanay waji gabax ula kulmi lahayn marka ay yimaadaan Muqdisho.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa berri tagaya Baydhabo, waxaa la sheegayaa inuu lahaa fikirka ah shirka Baydhabo inay isugu yimadaan isaga iyo labada Madaxweyne Dowlad Goboleed ee Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed, si iyagoo mideysan ay shirka Muqdisho uga qeyb galaan ulana tagaan hal aragti.

Maalinta Jimcaha ayaa la filayaa in Madaxdan dowlad Goboleedyada seddaxda ah ee lagu tiriyo inay xiriir dhow yihiin Dowladda Federaalka inay soo gaaraan Muqdisho.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11861 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: