Wararka

Dab xoogan ayaa ka kacay kaam qaxooti ee dalka Griigga, iyadoo ay baxsadeen kumanaan qaxooti…


Waxaa xalay dab ka kacay oo bur-buriyay guud ahaan kaamka qaxootiga Moria, jasiiradda Lesvos ee dalkaasi Griigga, waxaana baxsaday kumannaan qaxooti ah oo halkaasi ugu jiray karantiil cudurka coronavirus awgii.

Kaamkan oo ah kan ugu weyn ee qaxootiga ee Yurub ku yaal ayaa waxaa ku jiray 13.000 oo ruux, waxaana uu dabkiisa bilowday xalay abaare kowdii habeenimo.

Waddooyinka gala kaamkaasi ayaa waxaa lagu arkayay qaxooti u badan dumar iyo carruur kuwaas oo fadhiya ama seex-seexday hareeraha wadada, kumannaan kalena waxaa ay u baxsadeen magaalada inteeda kale.

Booliska oo aad u waardiyeeya kaamkaasi ayaa xalay talo farahooda ka baxday, waxaana qaxootiga baxsaday qaarkood ay fuuleen buuraha si ay ugu sii gudbaan magaalada.

Xaaladda kaamkan oo saakay daggan ayaanan wali la sheegay khasaare nafeed oo ka dhashay marka laga reebo dabka bur-buriyay kaamka.

Wali ma caddda waxa dhaliyay dabka kaamka, balse wararka waxa ay sheegayaan in qaxootigii awal cabursanaa lagu soo rogay shuruuc cusub oo la xiriira faafidda cudurka coronavirus kaas oo dhaliyay khalalaase.

Kaamkaas ayaa dadka ku jira waxaa ka mid ah Soomaali tahriib ahaan ku gaartay Griigga.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11861 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: