Wararka

Lafta gareen,Waare iyo Qoorqoor ayaa la filayaa in ay si wadajir ah u yimaadaan Mogadishu…


Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa maanta wadajir u imaanaya magaalada Muqdisho, kadib marka shir wadatashi ah oo saacado ah ku yeeshaan magaalada Baydhabo.

Sida wararku sheegayaan Madaxweynaha Galmudug oo goordhow ka soo ambabaxay Dhuusamareeb ayaa la filayaa inuu daqiiqadaha soo socda ka dego magaalada Baydhabo.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa ku biiri doona Madaxweynayaasha Koofur Galbeed iyo Hirshabelle oo horay ugu sugnaa magaalada Baydhabo.

Wararka ayaa sheegaya in shir saddex geesood ah saddexda Maamul Goboleed ay yeelan doonaan, shirkaasoo ah mid saacado ah, waxaana marka ay wada tashadaan ay u soo ambabixi doonaan magaalada Muqdisho.

Madaxtooyada Villa Somalia ayaa shalay shaaciysay shir loo dhan yahay maalinta Khamiista oo berri ah ku yeelanayaan Muqdisho Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda dowlad Goboleedyada.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa horay ugu sugnaa Madaxda dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, kuwaasoo Madaxweynaha hordhigay shuruud ah in shirka Muqdisho uu ka soo qeyb geliyo saddexda Maamul goboleed ee kale.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11789 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: