Wararka

Mareykanka ayaa sheegay inuu taageerayo dib u habeynta qeybta Amniga laakin musuqa…


Mareykanka ayaa sheegay inuu taageerayo dib u habeynta qeybta Amniga oo u horseedaysa mustaqbal ifaya Soomaaliya iyo Soomaalida oo dhan.

Farriin lagu qoray barta Twitter-ka ee Safaaradda Mareykanka oo aanay caddeyn cida loo waday ayaa u qorneyd sidan:-

“Mareykanak wuxuu taageerayaa dib u habeynta qeybta Amniga Soomaaliya oo horseedeysa mustaqbal ifaya Soomaaliya iyo Soomaalida oo dhan, musuq maasuqa iyo qaraabo-kiilka waxay dhaawacayaan horumarka, waxayna wiiqeysa amniga dadka Soomaaliyeed, iyadoo xoojineysa Cadawga”.

Farriintan ayuu Mareykanka ku soo beegay, iyadoo dalku ku jiro xilli kala guur ah, oo aanu dalku laheyn Ra’iisul Wasaare muddo 45 cisho ah.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11796 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: