Wararka

Mareykanka ayaa xaqiijiyey duqeyn ka dhacday nawaaxiga Saakow in lagu dilay sarkaal sare…


Dowladda Maraykanka ayaa xaqiijisay in duqayntii dhacday 25-kii Ogosto lagu dilay Cabdulqaadir Kumaandoos oo ka tirsanaa saraakiisha sarsare ee ururka Al-Shabaab.

Maraykanku waxa uu sheegay in Cabdulqaadir Kumaandoos uu soo qabtay jagooyin kala duwan Al-Shabaab dhexdeeda, iska markaana uu Taliye Sare ka ahaa ururka markii u dambaysay.

Cabdulqaadir Kumaandoos ayaa duqeynta lala beegsaday waxay ka dhacday nawaaxiga Saakow ee Jubbada Dhexe.

Xaqiijinta Maraykanka ayaa imanaysa maalin kadib markii Al-Shabaab ay weerareen goob ay ku sugnaayeen ciidamada Dowladda iyo kuwa Maraykanka oo ku taalla deegaanka Janaay Cabdalle oo galbeed ka xigta magaalada Kismaayo.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12168 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: