Wararka

Qof waxyaabaha qarxa isku soo xiray ayaa isku qarxiyey magaaxida Blue Sky oo ku dhow…


Qof waxyaabaha qarxa isku soo xiray ayaa isku qarxiyey maqaayada Blue Sky oo ku taalla meel ku dhow taallada Xaawa-taako ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo jugtiisa aad u weyneyd ayaa laga maqlay xaafado badan oo ku dhow halka uu ka dhacay.

Inta la xaqiijiyay 3 qof ayaa ku geeriyootay, dhowr kalana waa ku dhaawacmeen.

Maqaaxida Blue Sky ayaa ku taalla meel u dhow bar koontarool oo laga ilaaliyo Madaxtooyada Soomaaliya.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo durbadiiba isku gadaamay halka uu qaraxa ka dhacay ayaa dadka ka celinayay iney u gudbaan goobta maqaaxida ee la beegsaday.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12187 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: