Wararka

Qoorqoor ayaa u jeediyey Deni iyo Axmed Madoobe inay la yimadaan qorshayaal iyo aragti…


Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa waxa uu ku eedeeyay madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland in sababaha ay u diideen ka qeyb-galka shirkii Dhuusamareeb 3 uu ahaa in dalka uusan laheyn Ra’iisul wasaare, balse taas bedelkeeda ay Muqdisho yimaadeen arrintii ay ku doodayeen oo weli taagan.

Qoor-qoor ayaa hadalkaan waxa uu ka sheegay shirka magaalada Baydhabo uga soconaya madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Hirshabeelle, Koonfur galbeed iyo Galmudug.

Waxa uu sidoo kale usoo jeediyay in madaxda Jubbaland iyo Puntland ay la yimaadaan qorsheyaal cad iyo aragti xajmi leh, sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa kusoo aadaya xilli hoggaamiyayaasha Jubbaland iyo Puntland lagu wado iney qeyb ka noqdaan shirka maamul goboleedyada dowladda dhexe iyo Gobolka Banaadir uga furmaya dhowaan magaalada Muqdisho.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11841 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: