Wararka

Lafta-gareen ayaa kula kulmay magaalada Mogadishu Gudd. Golaha Shacabka Mursal…


Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabcasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa xalay Magaalada Muqdisho kula kulmay Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Maxamuud.

Kulanka ayaa ka dhacay hoyga Gudoomiyaha Golaha Shacabka uu ka deganyahay Xarunta Villa Hargeisa, oo ku dhex taala Madaxtooyada Qaranka.

War ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu sheegay in kulanka oo qaatay dhawr saacadood looga hadlay xaaladda guud ee dalka.

“Labada mas’uul ayaa qaatay kulan saacado dhawr ah socday, oo ay iska xog wareysanayeen xaaladda siyasadeed ee ka jirta dalka, sida arrimaha doorashooyinka, amniga iyo dadaalada horumarineed, ee ay ku tallaabsatay Dowladda Koonfur Galbeed.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu yiri “Maxamed Mursal, Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Madaxweyne Lafta-gareen uga mahadceliyey booqashada uu ugu yimid, waxaana uu boggaadiyay doorka uu ka qaadanayo Shirka Wadatashiga ee Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah.”

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11390 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: