Wararka

Oday 90 jir ah iyo wiilkiisa oo 70 jir ah ayaa la sheegay in ay ka adkaadeen cudurka coronavirus…


Nin u dhashay Turkiga oo 90 jir ah oo la yiraahdo Shaban Saab, oo uu weheliyo wiilkiisa 70 jir ah, Kurtis, ayaa ka wada baxay Isbitaalka ka dib markii ay si buuxda uga bogsadeen fayraska Corona.

Labada qof ee waayeelka ah ee ku nool gobolka Tuqat ee waqooyiga Turkiga ayaa waxaa uu ku dhacay infekshanka kadib markii marti ku soo booqatay gurigooda goor sii horeysay.

Calaamadaha cudurka corona waxaa lagu ogaadey Shaban markii uu booqdey Isbitaalka si loogu sifeeya kelyaha oo caadi u aheyd, kadibna waxaa si dhakhso leh loogu bilaabay daaweynta.

Dhanka kale, Kurtis oo ah wiilka odeygaasi ayaa wuxuu la talin u tagey Isbitaalka si uu wax uga weydiiyo xanuun ka hayey hunguriga, si looga hubiyo inuu isagana qaaday fayraska.

Shaban iyo wiilkiisa Kurtis ayaa maray daaweyn muddo 20 maalmood ah, ka hor intaan natiijada xun ee baaritaanka Corona aysan soo muuqan oo laga soo saaray Isbitaalka.

Ka dib markii laga soo saaray Isbitaalka, labada qof ee waayeelka ah waxay muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin guushii ay ka gaareen Corona, waxayna dadka la wadaageen talooyin, taas oo ah baahida loo qabo in la xidho maaskaro, lana ilaaliyo masaafada bulshada dhexdeeda, haddii kale kuwa kale waxay la kulmi doonaan waayo-aragnimadii adkayd ee ay soo mareen.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11841 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: