Wararka

Qarax xoogan oo aan la ogeyn sababta ayaa ka dhacay magaalada Zarqa ee dalka Jordan…


Qarax aad u xoogan ayaa saqdii dhexe ee xalay ka dhacay Magaalada Zarqa ee dalka Jordan, iyadoo aan la garanayn waxa sababay qaraxaasi.

Qaraxa ayaa ahaa mid si weyn looga maqlay magaalada iyo daafaheedaba, waxaana la arkaayay holaac ka dhashay qaraxaasi.

Muuqaalo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya holac xoog leh oo ka soo baxaya goobta uu qaraxu ka dhacay.

Warar horudhac ah ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay xerada keydka rasaasta, inkastoo aanay weli taasi xaqiijin dowladda dalkaasi.

Magaaladan loogama baran qaraxyada, waxayna ka mid tahay goobaha ugu ammaanka badan dalkaasi, oo xuduud la leh Israel.

Jordan waa dowladda saddexaad ee Carbeed ee xiriirka la leh Maamulka Israel, marka laga soo taggo Masar iyo Emirate-ka Carabta.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11379 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: