Wararka

Qof waxyaabaha qarxa isku soo xiray ayaa isku qarxiyey mas’uul ak tirsan rugta ganacsiga…


Maamulka Jubaland ayaa caddeeyay geerida ku timid Guddoomiyahii rugta ganacsiga iyo warshadaha maamulkaas Shaafi Raabbi Kaahin oo salaaddii Jimce kadib, qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa uu iskula qarxiyay albaabka hore ee masjidka Jaamaca qadiimka ee ku yaalla magaalada Kismaayo.

War qoraal ah oo kasoo baxay madaxtooyada Jubaland ayaa waxa uu madaxweyne Axmed Maxamed Islaam uga tacsiyeeyay geerida ku timid mas’uulkaas, wuxuuna ku tilmaamay inuu ahaa muwaadin u dhabar adeygay wax u qabashada waddankiisa.

Allaha U Naxariistee Shaafi Raabbi ayaa ahaa mas’uul saameyn togan ku lahaa dhismaha maamulka Jubaland, wuxuuna sidoo kale ahaa ganacsatada sida weyn looga yaqaan magaalada ee gacan saarka la leh dowlad goboleedkaasi.

Kaahin ayaa qaraxa lala eegtay xilli uu kasoo baxay salaaddii Jimcaha ee maanta.

Soomaaliya waxaa hadda kusoo kordhaya qaraxyada, xilli dhinaca kale uu waddanka galay marxalad siyaasadeed oo kala guur ah.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11789 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: