Wararka

Victoria Azarenka ayaa u awood sheegatay Serena Williams oo ku hamineysay koobkeeda…


Serena Williams ayaa u muuqatay mid diyaar u ah inay dib ugu soo laabato finalka US Open habeenkii Khamiista, taasoo calaamad u noqon laheyd safarkeedii seddexaad ee tartanka horyaalnimada ee Grand Slam ee la qabtay seddex sano gudahood.

Si kastaba ha noqotee, doonistaasi si dhakhso leh ayey u burburtay.

Laacibada Tennis-ka ee Belarusia Victoria Azarenka ayaa garaacday Williams goor dambe oo habeenimadii Khamiista ahayd garoonka Arthur Ashe, 1-6, 6-3, 6-3.

Serena Williams, of the United States, returns a shot to Victoria Azarenka, of Belarus, during a semifinal match of the US Open tennis championships, Thursday, Sept. 10, 2020, in New York. (AP Photo/Frank Franklin II)

Azarenka ayaa ku soo laabatay finalkeedii seddexaad ee US Open – markii ugu horeysay oo ay ciyaar final ah ka soo muuqato muddo toddobo sano gudahood ah – waxayna Sabtida la ciyaari doontaa Naomi Osaka oo u dhalatay Japan. Osaka ayaa garaacday Jennifer Brady kulankeedii semi-finalka khamiistii si ay u hesho booskeedii markii labaad ay timaado finalka muddo seddex sano ah.

“Waxay ahayd toddobo sano? Taasi waa lambarka aan ugu jeclahay. Waxaan qiyaasayaa in sidaasi loola jeedo. Aad ayaan uga mahadcelinayaa fursaddan, ”Azarenka ayaa sidaa ku tiri ESPN ciyaarta ka dib. Wadada finalka, waa inaad ka badisaa ciyaartoyda ugu fiican, maantana waxay ahayd maalintaasi. “

Williams ayaa ku fashilantay gaaritaanka koobkeeda 24aad oo dhib kala kulantay runtii, numbarkaasi ayaa ku noqday murugo iyo iyadoo marba marka ka sii dambeeya sii cuslaaneyso.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11427 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: