Wararka

Afartii booliska aheyd ee ku eedeysana dilkii George Floyd ayaa eeda dilkaasi isku tuur tuuray…


Waxaa maxkamad la hor geeyey Shalay oo Jimco aheyd afartii booliska aheyd ee ku eedeysana dilkii George Floyd oo ahaa nin madow ah kaas oo dilkiisa ay ka dhasheen dibedbaxyo gil-gilay Mareykanka ilaa iyo walina taagan saameyntiisa.

Afartuba waxa ay qireen in laga fogaan karay dilka Floyd, balse ma jirin mid si gaar ah u sheegtay mas’uuliyadda dhimashadiisa.

Lane iyo Thao oo labaduba ku cusbaa booliska ayaa sheegay in taliye Derek Chauvin oo askariga qoorta uga istaagay uu howlgalkaasi hoggaaminayay, halka uu qudhiisu sheegay in uu yimid xilli mar horeba la qabtay Floyd uuna ku caawiyay keliya dhul-dhigid.

Qareenka Chauvins oo lagu magacaabo Eric Nelson ayaa dhankiisa sheegay in Floyd uu u geeriyooday daroogo uu iska badiyay islamarkaana aan dusha laga saarin dilkiisa kiliyantigiisa.

Xukunka askartan ayaa la qorsheeyay in uu dhaco bisha Maarso ee sannadka soo socda.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11427 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: