Wararka

Axmed Madoobe iyo Qoorqoor ayaa siyaabo kala duwan uga safray magaalada Mogadishu…


Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha Jubbaland oo tan iyo 1-dii bishan ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa uga soo amba-baxay, sidii uu uga qaybgeli lahaa aas lagu wado in loo sameeyo Gudoomiyihii Rugta Ganacsiga Jubbaland, Shaafi Raabi Kaahin, oo ku geeriyooday is-qarxintii ka dhacday Magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha Jubbaland iyo Gudoomiyaha ayaa ahaa saaxiibo aad isugu dhow, iyadoo uu marxuumka door ku lahaa aasaaskii Maamulka Jubbaland.

Shaafi Raabi ayaa lala dilay wiil uu adeer u ahaa oo lagu magacaabi jiray Taabit Cabdullaahi Xasan Raabi. Taabit waxa uu ka mid ahaa boqolka arday ee kaalmaha hore ka galay imtixaankii shahaadiga ee Dugsiyada Sare ee ay sanadkan qaaday Wasaaradda Waxbarashada Somalia.

Ururka Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi, kaasoo ay sheegeen in bartilmaameedkiisu ahaa marxuum Shaafi Raabi.

Dhanka kale Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Qoorqoor ayaa isaguna safar aan horey loo ogeyn ku aaday dalka Kenya.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11796 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: