Wararka

Ciidanka Booliska ayaa sheegay inay afar nin u soo qabteen dilkii iyo kufsigii loo geystay gabadhii…


Ciidanka Booliska ee Gobolka Banaadir ayaa ugu yaraan afar nin u soo qabtay gabadhii dhalinyarada ahayd ee kufsiga iyo dilkaba loogu gaystay Magaalada Muqdisho.

Xamdi Maxamed Faarax ayaa Jimcihii lagu kufsaday xaafadda 1da Maajo ee Degmada Waaberi, waxaana dilka ka dib laga soo tuuray dhisme ku yaala xaafadaasi.

Dhakhaatiirta ayaa ehelada Xamda Maxamed u sheegay ka hor intii aan dabaqa laga soo tuurin in la kufsaday, iyadoo baaritaanada kadibna qoyska gabadha loo ogolaaday inay aastaan.

Dhame Sadiiq Aadan Cali (Doodisho), Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa xaqiijiyay in afar eedeysane loo soo xiray falkaasi, baaritaana uu socdo.

Afhayeenka oo muujiyay in kiiskan uu yahay mid xasaasi ah ayaa dhanka kale sheegay inay suurtagal tahay inta baaritaanka socdo inay dad kale ku lug yeeshaan.

Sadiiq Doodisho oo la hadlay BBC ayaa xusay baaritaanada ka dib inay dadkaasi horgayn doonaan sharciga, si cadaaladda loogu qaado.

Dhacdadan ayaa dareen argagax leh ku abuurtay bulshada ku dhaqan Magaalada Muqdisho, waxayna noqotay midda loogu hadalhaynta badanyahay.

Allaha u naxariistee Xamdi waxay ka mid ahayd ardaydii ka qalin jebisay Dugsiyada Sare, ee ay maalmo ka hor natiijadooda shaacisay Wasaaradda Waxbarashada Qaranka.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11427 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: