Wararka

Gabar dhallinrayo ah ayaa la sheegay in inta la kufsaday laga soo tuuray dabaq, sidaasina ay…


Gabar ay ehelkeedu sheegeen in la kufsaday, kadibna lagasoo tuuray dabaq dheer oo ku yaalla degmada Waaberi, una geeriyootay falkaas ayaa waxay ka codsadeen dowladda in lasoo qabto dadkii ficilkaas ka dambeeyay.

Gabadha dhimatay oo da’deeda lagu sheegay 20 sano jir, ayaa waxay kamid aheyd ardayda sanadkaan u fadhiisatay imtixaankii dugsiga sare ee dowladdu qaadday.

Gacal Xuseen oo ah abtigeed ayaa warbaahinta u sheegay in Ciidamada Dembi Baarista Booliska Soomaaliyeed ay u sheegeen qoyskooda in gabadha la kufsaday, kadibna lagasoo tuuray dabaqa.

Ma cadda in gabadha markii hore la dilay, kadibna lasoo tuuray, waxaan isku daynay inaan la xiriirno laammaha baarista kiiskaan iyo maamulka Isbitaalka Madiina oo meydka gabadha la geeyay si aan tafaasiil dheeraad ah uga helno, balse inooma suura-gelin.

Gabadha dhimatay oo lagu magacaabi jiray Xamdi Maxamed Faarax ayaa waxa uu qaar kamid ah waalidkeed ay ku noolyihiin Galgaduud, waxayna Muqdisho u joogtay waxbarasho, sida HOL ay u sheegeen ehelkeeda.

Soomaaliya waxaa sanadihii ugu dembeeyay aad ugu soo badanayay falalka kufsiga iyo dilka isugu jira oo loo geysanayay dumarka, laakiin arrintaan ayaa walaac badan ku abuureysa dadka ku nool caasimadda Soomaaliya.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11889 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: