Wararka

M/weyne Farmaajo ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehelada dadkii ku naf waayey qaraxii…


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehelada muwaadiniintii Soomaaliyeed ee ku naf waayay qaraxii argagixiso ee ka dhacay Magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah ugu tacsiyadeeyay Ganacsatada Soomaaliyeed geerida Xoghayihii Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, Alle ha u naxariistee, Shaafi Raabi Kaahin oo u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qaraxan, waxa uuna xusay doorkii wanaagsanaa ee uu ku lahaa isku xirnaanta ganacsatada iyo dhiirrigelinta maalgashiga dalka.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Qaraxan argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Kismaayo waxa uu muujinayaa yoolka cadawga dadka Soomaaliyeed oo salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan haldoorkeenna iyo guud ahaan dadkeenna.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyay muwaadiniinta dhaawacyadu ay ka soo gaareen qaraxan bahalnimada ah in uu Eebbe u boogo dhayo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed oo isku duuban ay ka guuleysan doonaan cadawgooda, maantana la jooggo xilligii loo midoobi lahaa in laga xoreeyo guud ahaan dalka.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12158 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: