Wararka

RW hore ee Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa isu soo sharaxay xafiiska ugu sareeya dalka…


Rai’isul Wasaarihii hore ee Somalia Xasan Cali Khayre ayaa ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan jagada madaxtinimada dalka.

Xasan Cali Khayre ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa xiriirka dadweynaha waxaa uu ku sheegay inuu u tartami doono Xafiiska Madaxtooyada, marka la gaaro xilliga doorashada.

Qoraalkiisa ayaa u qornaa sidatan:-

Bismillah,

Walaalayaal, waxaan shaki ku jirin in labaatankii sano ee la soo dhaafay ay dowlanimadeennu hore u socotay, tallaabadeeduba ha gaabnaatee. Muddo xileedkii 5aad ee geeddi socodkaas, ummadda Soomaliyeed waxaan ugu soo adeegay mas’uuliyad Ra’iisul Wasaare. Xilkaas oo waxna lagu soo qabtay, Alle mahadii waxna laga soo bartay.

Hadda oo la sugayo hannaan loogu gudbo muddo xileed cusub ee dowladda Somaliyeed, waxaan fikir iyo talo wadaag dheer kaddib halkan idinkula wadaagayaa musharaxnimadayda jagada Madaxwaynaha JFS.

Anigoo si dhab ah u fahamsan fursadaha iyo caqabadaha la xiriira hoggaaminta iyo waxqabadka dalkeennu u baahan yahay maanta iyo mustaqbalkaba, waxaan markale isu soo qaddimayaa in aan dadkayga ugu adeego si ay ku dheehan tahay karti, hufnaan iyo daacadnimo.

Mahadsanidiin.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11841 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: