Wararka

Goodax ayaa si kulul u cambaareeyay kufsigii iyo dilkii loo geystay Xamdi Maxamed Faarax…


Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre, ayaa si kulul u cambaareeyay kufsigii iyo dilkii loo geystay Xamdi Maxamed Faarax oo kamid ahayd ardaydii sanadkaan ka qalin jabisay dugsiyada sare.

Xamdi Maxamed Faarax, ayaa la kufsaday kadibna waxaa lagasoo tuuray dabaq lix biyaano ah sida ay sheegeen qoyskeeda iyo laamaha booliiska oo haatan kiiskaas u hayo 4 qof oo lagu tuhmayo.

“Waxaan aad u cambaareynayaa kufsiga iyo dilka foosha xun ee loo geystay Allaha u naxariistee Xamdi Maxamed Faarax oo ka mid ahayd ardaydii sannadkan u fariisatay imtixaankii shahaadiga ahaa ee Dugsiga Sare. Waxay baabi’iyeen hammigeeda iyo rajadii ay reerkeeda ka lahaayeen.,” ayuu yidhi wasiir goodax.

Wasiir Goodax ayaa sheegay Kufsiga iyo ku xadgudubka gabdhaha inuu yahay dhaqan aad u xun oo maalmahan kusoo xoogeystay gudaha Soomaaliya.

Wuxuu ka codsaday hay’adaha garsoorka in ay sida ugu dhaqsaha badan ay mudankooda ku marsiiyaan dambiilayaashii falkan foosha xun ku dhaqaaqay.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11368 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: