Wararka

Ilhaan Cumar ayaa laanta socdaalka ku dhaleeceysay qorshe ay ugu musaafurin rabaan soo galooti…


Ilhaan Cumar ayaa dhaleeceysay laanta Socdaalka iyo Kastamka Maraykanka sababo la xiriira suuragalnimada in masaafurin karaan muhaajiriinta sida sharci darada ku jooga Maraykanka oo dib loogu celiyo Soomaaliya.

Xildhibaanada Xisbiga Dimuqraadiga ayaa sabab uga dhigtay cabsida coronavirus.

“Laanta socdaalka ayaa lagu wadaa inay tobanaan shaqsiyaad ah ka masaafuriso degmadeyda, iyadoo qatar u ah faafitaanka COVID,” ayay barteeda Twitter-ka ku qortay xildhibaanada Dimuqraadiga Minnesota.

Waxay sheegtay Falalka musaafurinta in aanay kaliya khatar ku ahayn shakhsiyaadkan, laakiin ay cawaaqib fog ku yeelan karto Soomaaliya.

Maxaabiista nugul cawaaqibka ugu xun ee musaafurintoodu keeni karto waxay macno ahaan noqon kartaa nolol iyo geeri, sida ay Dimuqraadiyiintu ku sheegeen warqad ay u direen Waaxda Amniga Gudaha oo ku saabsan faafitaanka fayraska corona ee xarumaha dadka lagu hayo ee ICE.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11427 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: