Wararka

Loollanka ololaha doorashada Mareykanka ayaa galay heer cusub oo la is aflagaadeeyo…


Loollanka ololaha doorashada Mareykanka ee u dhaxeeyay labada xisbi ee Dimuquraadiga iyo Jamhuuriga oo ay u kala sharraxan yihiin madaxweynaha iminka talada haya Donald Trump oo xisbiga Jamhuuriga kasoo jeeda iyo musharraxa xisbiga Dimuquraadiga ee Joe Biden ayaa u gudbay heer cusub.

Heerkan cusub ayaa maraya in si shakhsi ah la isku weeraro, islamarkaana la isku eedeeyo waxyaalo aan caddeymo cad loo hayn.

Madaxweyne Donald Trump ayaa ku eedeeyay musharrax Joe Biden in uu isticmaalo daroogo xilli uu wareysi siinayay xalay wariye Jeanine Pirro oo u shaqeeysa talefishinka Fox News.

Trump oo 74 jir ah ayaa Biden oo isna 77 jir ah ku eedeeyay in uu isticmaalo daroogo si uu ula socdo, una xamilo howlaha ololaha doorashada.

“Waxaa hubaal ah oo aan maqlay in Biden uu daroogo isticmaalo si uu jawiga ula socdo. Waliba marka uu qaato daroogada laba eray iskuma aadin karo, bal u fiirso”, ayuu yiri Trump.

Eeda Trump ayaa imaaneysa xilli dhawaan lagu eedeeyay wiilkiisa Donald Trump junior in uu daroogada kokaaiinta soo qaatay markii uu ka khudbeynayay shirkii xisbiga Jamhuuriga ee aabihiisa loogu caleema-saaray musharraxnimada madaxweyne ee xisbigaasi.

Donald Trump junior oo khudbadaasi laga dareemayay dhidid badan iyo indhaha oo uu ka ilmeynayay ayaa iska diiday eedeyntaasi.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11447 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: