Wararka

Naomi Osaka ayaa ku guuleysatay tartankii Tennis-ka ee hablaha ee US Open kadib markii ay…


Tartankii Tennis-ka ee finalka hablaha ee US Open oo lagu ciyaaray garoonka Arthur Ashe ee Mareykanka ayaa shalay la soo gebagebeeyey, waxaana ku tartamay Naomi Osaka oo Japan u dhalatay oo 22 jir ah iyo Victoria Azarenka oo Belarussia u dhalatay jirtana 31 sano.

Waxay aheyd ciyaar xiiso badan oo labada hablood horay u soo noqday numbar kowga caalamka, ciyaarta ayaa socotay 1 saac iyo 53 daqiiqo, waxayna ku dhamaatay 1-6, 6-3, 6-3 oo guusha ku raacday Naomi Osaka.

Sida aad ka aragtaan natiijada Azarenka ayaa hogaanka heysay iyadoo la is yiri Osaka wey u dhamaatay, gabadhan da’da yar wey soo rogaal celisay waxayna ku guuleysatay koobkeedii 3aad ee Grand Slam-ka iyo keedii labaad ee US Open, waxay leedahay mustaqbal fiican sida ay sheegeen khubarada ka faalooda Tennis-ka.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12158 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: