Wararka

Guddoonka Baarlamaanka ayaa loo gudbiyey soo jeedin ku saabsan falkii dilka iyo kufsiga loogu…


Guddoonka Golaha Shacabka ee Soomaaliya ayaa loo gudbiyay soo jeedin ku saabsan in mudanayaasha Golaha ay ka doodaan ficilkii dilka ahaa ee loo geystay Allaha U Naxariistee Xamdi Maxamed Faarax oo 19 jir aheyd.

Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac oo kamid ah mudanayaasha saxiixay soo jeedinta in arrintaas lagu daro doodda Baarlamanka ayaa HOL u sheegay iney muhiim tahay iney sidaas sameeyaan, maadaama falka gabadha yar lagu dilay uu ahaa wax aad u fool xun.

Dilka Xamdi Maxamed Faarax ayaa waxa uu dhaliyay caro aad u xooggan, waxaana aad uga fal-celiyay shacabka Soomaaliyeed, si gaar ah, dadka Caasimadda ku nool.

Booliska Soomaaliya ayaa weli ku howlan baaritaanka kiiskaas, iyadoo dhowr qof oo tuhmanayaal ah la sheegay in gacanta lagu hayo.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12194 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: