Wararka

Sarkaal u qaabilsanaa al-Shabaab howlgelinta ayaa lagu dilay inta u dhaxeysa Bardaale…


Ciidanka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa weerar qorsheysan oo ay ka fuliyeen meel 45Km dhanka galbeed kaga beegan magaalada Baydhabo waxay ku khaarijiyeen Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab.

Sarkaalkan ayaa lagu magacaabayay Ibraahim Macalim Cabdi oo loo yaqaano Ibraahim Ganey, waxaana ciidanka ay shalay gelinkii dambe ku dileen inta u dhaxeysa degmooyinka Bardaale iyo Aw-Diinle.

Sidoo kale waxaa la sheegay inuu ka baxsaday goobta nin ilaalo u ahaa Sarkaalkan.

Ciidanka ayaa waxay gacanta ku dhigeen 2 qori Ak47 bastoolad makaaroof loo yaqaan iyo 8 khasanadood.

Sarkaalka la dilay ayaa u qaabilsanaa Al-Shabaab dhanka howlgelinta dagaalada degmooyinka Bardaale iyo Baydhabo.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore weeraro ka fuliyay duleedyada magaalada Baydhabo iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Bay.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11401 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: