Wararka

Tahriibayaal ku xanibnaa markab dushiisa ayaa loo ogolaaday inay ku degaan dalka Talyaaniga…


Koox tahriibayaal ah oo uu soo badbaadiyay markab laga leeyahay dalka Denmark oo ku sugnaa badda Mediterranean-ka ayaa loo ogolaaday inay ku degaan dalka Talyaaniga kadib in ka badan 40 maalmood oo ay badda ku jireen.

27-ka qof – oo ay ku jirto haweeney uur leh – waxay ka amba baxeen Liibiya 2-dii bishii Ogosto.

Markabkii Maersk Etienne ee Deenishka ahaa ayaa soo qaaday waxyar kadib markii markabkoodii uu bilaabay inuu quuso.

Laakiin markabkan ayaa loo diiday ogolaansho ah inuu ku xirto waddan kasta muddo bil ka badan. Muhaajiriintan ayaase ugu dambeyntii ka degay Sicily habeenkii Sabtida.

Jimcihii kooxda waxaa loo wareejiyay markab samatabixin ah oo ay maamusho NGO-ga Badbaadinta ee lagu magacaabo Mediterranea Saving Humans. Waxaana la keenay dekedda Pozzallo.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11777 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: