Wararka

Dowladaha Israel, UAE iyo Bahrain oo caadi ka dhigay xiriirkooda kadib markii ay saxiixeen…


Maanta ooTalaadada ah, Aqalka Cad wuxuu goobjoog u ahaa saxiixa heshiis lagu hagaajinayo xiriirka u dhexeeya Israel, UAE iyo Bahrain, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump wuxuu ballanqaaday in dalalka kale ee gobolka ka socda ay ku soo biirayaan si caadi looga dhigo xiriirka, halka saxiixayaasha ay ka hadleen bilowga marxalad cusub oo taariikhi ah.

Saxiixan waxaa goobjoog ka ahaa Trump, Rai’isul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu, Wasiirka Arimaha Dibada ee Imaaraatka Abdullah bin Zayed, iyo Wasiirka Arimaha Dibada ee Baxrayn Abdul Latif Al Zayani.

Markii ay bilaabatay xafladda saxiixa, Trump wuxuu sheegay in Israa’iil, Imaaraadka iyo Baxrayn ay is-weydaarsan doonaan danjirayaal, isla markaana ay isu kaashan doonaan sidii waddamo saaxiibo ah.

Wuxuu intaas ku daray in heshiisyadan oo kale ay ka hirgelin doonaan gobolka nabad buuxda oo ku dhisan saaxiibtinnimo iyo is-ixtiraam, waxayna qeexaysaa in loo oggolaado Muslimiinta adduunka inay ku tukadaan Masjidka Al-Aqsa.

“Heshiisyadan waxay cadeynayaan in laga xoroobay hababkii hore ee fashilmay, wadamada kalena waxay ku soo jiraan wadada,” ayuu yiri Trump.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12181 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: